cytisine.org provides general information regarding cytisine

Quit Smoking with Tabex
Sopharma Shop
cytisine.org

IS FOR SALE

This domain name (or website with content) is available for sale by its owner.

Any offer you submit is binding for 7 days.

If you require futher information contact us.

MAKE AN OFFER

Please enable JavaScript in your browser to complete this form.
Beerta Sunta

Xigashada Sawirka, Alamy

Beerta Sunta waxay ku taallaa magaalada Alnwick ee dalka Ingiriiska. Waxay hoy u tahay oo ku tallaalan in ka badan 100 geed oo sun ah, kuwaas oo ay ku jiraan qaar lagu dawaqayo ama maanka doorinaya haddii la cuno. Sidaas oo ay tahay waa beer u furan oo ay booqan karaan dadweynaha.

Calaamadda iridda madow ee birta ah waxay leedahay, “dhirtani wax bay dili kartaa”, erayadaas oo dhinacyada uga xardhan sawir qolfoof (madax iyo lafo is-gudban) si halisteeda looga qiyaas-qaato. Digniintu ma ahan kaftan – albaabbadaasi ka sameysan biraha madow waxay xeyndaab u yihiin beerta dilaaga ah ee ugu halista badan adduunka.

Beerta Sunta waxaa la aasaasay 2005-tii. “Kahor inta aan booqdeyaasha loo oggolaan inay gudaha galaan, waa in la siiyo warbixin la xiriirta badqabkooda,” ayuu yiri Dean Smith, hagaha Beerta Sunta. Booqdayaasha waxaa la faraa in aan loo oggolayn taabashada, dhadhaminta ama urinta dhirta – si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray website-ka beerta, waxaa jira dad miyir-daboolmay iyagoo dhex socda beerta neefta sunta ah ee ay hawada ka qaateen darteed.

Mid ka mid ah geedaha halista ah ee lagu beeray halkaas waa mid lagu magacaabo monkshood oo ay ku jirto sun neerfaha waxyeelleysa, habka shaqada wadanahana halis ku ah.

Source: https://news.google.com/__i/rss/rd/articles/CBMiMGh0dHBzOi8vd3d3LmJiYy5jb20vc29tYWxpL2FydGljbGVzL2NkMTR4MGdncG5qb9IBNGh0dHBzOi8vd3d3LmJiYy5jb20vc29tYWxpL2FydGljbGVzL2NkMTR4MGdncG5qby5hbXA?oc=5